XOG: Farmaajo iyo Al-Shabaab oo 2 qodob ku heshiiyay

Wafti ka socda Villa Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Xundubeey iyo xubno ka socda Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa kulan ku yeeshay dhowaan Magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Kulanka oo ay garwadeen ka aheyd Dowladda taageerta Argagixisada ee Qatar, ayaa Al-Shabaab iyo Xundubeey oo Wakiil ka ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay isku afgarteen labo qodob, kuwaas oo kala ah;

1.Alshabaab in ay ka baxaan Bu’aale.

2.Kooxda Farmaajo in ay siiso Alshabaab 5-Milyan oo dolar.

Fulinta qorshahaas waxaa loo balamay Todobaadyada soo socda.

Qorshaha Jananan,tagida Fahad ee Gedo iyo heshiiska Alshabaab waa wax isla socda.

Jibril Qoobey.