Madaxda D/Gobaleedyada iyo Madasha Badbaado Qaran oo kulan leh

Shir u dhexeeya Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada iyo Madasha Badbaado Qaran ayaa ka socda Hotelka Airport oo ku yaalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidiiĀ  Ajande loo dhan yahay looga hadli lahaa shirweynaha loo balansan yahay oo la filayo in uu dhex-maro Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday & dowlad Goboledyada ee lagu qabanayo xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii kulamo saacadihii la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ay ku gaareen is-afgarad la xiriira sidii loo qancin lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga Musharixiinta.