Xildhibaan Xiddig “Shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa” (VIDEO)

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah 15ka xildhibaan ee uu guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka joojiyay inay kaqeybgalaan shan kulan oo baarlamaanku yeelanayo ayaa sheegay inay dooranayaan guddoon kale.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in inaysan jirin wax laga mamnuucay laakiin ay arkeen warqadda ka soo baxayday,haddii uu guddoonka ku adkeysto go’aankaasi uu baarlamaanka xirmayo.

“Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay, dabcan Golaha Shacbkana wuu xirmayaa”ayuu yiri xildhibaan Xiddig oo u waramayay laanta afka soomaaliga ee BBCda.

“Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaamka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Xildhibaan Xiddig ayaa ku tilmaamay warqada ka soo baxday guddoomiyaha baarlamaanka mid aan macno sameyneyn maadaama baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.