Cumar Cabdirashiid “Waa in la cunaqabateeyo kuwa qaska ku wada heshiiska 17-September”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Senator Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa sheegay in ciddii qasta heshiiska September ay tahay iney muteysato cunaqabateyn.

Senator Cumar oo arrinkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu yiri  ‘‘Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseeda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada’’.

Cumar Cabdirashiid oo horay Soomaaliya labo jeer ra’isul wasaare uga noqaday waxaa uu qabaa inkasta uu gaabis jiro hadana in ay tahay in la dhaqangeliyo heshiiskaas isaga oo yiri ‘‘ Hadda, in kasta uu jiro gaabis hadana in si dabacsan loo dhaqangeliyo heshiiskii September 17 waa xalka ugu haboon ee xasilinta xaaladda jirta’’.

Ugu dambeyntii, Senator Cumar Cabdirashiid Sharma a’ke waxaa uu soo jeediyey in xalka uu ku jiro in kalsooni dhex marto shanka maamul goboleed ee fedeaalka ah iyaduga ay hoogaamiyaan marxaladda waxaa uu yiri ‘‘Sidaas ay tahay, caqabadda jira waa sidii kalsooni loo dhex dhisi lahaa shanta dowlad goboleed dhexdooda si waxtar ugu yeeshaan meesha loo socdo’’.