Puntland oo go’aano cusub kasoo saartay socod siinta Lacagta Shilinka Soomaaliga (Akhriso)

Guddiga Xalinta Dhibaatada Suuqa Lacagaha Puntland ayaa soo saaray qodobo cusub, xilli aan deegaanada laga wada adeegsan lacagta Shilli Soomaaliga ah, qiima koror na uu ku yimid adeegyada iyo alaabaha dadka danyarta ah ay ku iibsan jireen Sh. S.

Guddiga ayaa soo saaray 3 qodob, si loogu daneeyo shacabka.

1- In mud xadidan la hakiyo adeegsiga Doollarka danabaysan ee ka hooseeya US$1.00, bedelkeeda na in Shirkadaha Isgaarsiinta Ivo Bangiyadu ay danabeeyaan Sh. S. U dhigma jajabka US$0.99 iyo wixii ka hooseeyay, ciddii uga baahata , sidaasna lagu helo laca danababsan (Mobile Money Transfer) oo labadaba ah.

2- Waxaa la isla gartay in Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala magaalooyinka Puntland ee dariska la ah meelaha Shirkadaha kale ee uu tartanku ka dhexeeyo ay US$ da danabaysan sidoodii u wataan.

3-Shirkadaha waxaa laga doonayaa in nidaamkaan ay ku hirgaliyaan muddo 5 cisho gudahood ah oo ay ka bilaabanta 03/ April/2021. Shirkaduhu waa Golis Group (Golis), Dahabshiil Group (Somtel), Amal Group (Amtel), Daryeel Bank iyo Som Bank, waxaa na jiraya guddi si gaar ah ula soconaya hirgelinta barnaamijkaan muhiimka ah.

Guddiga ayaa horay u soo saaray 13 qodob, si loo soo celiyo kalsoonida isticmaalka Sh. S. iyo xasillinta qiimaha lacagaha, qaarkood ayaa la sheegay in wali waxba ka hirgalin.