Dad gaajo iyo oon ugu geeryooday Deegaanka Soomaalida

Abaar daran ayaa ku dhufatay qeybo kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, taas oo galaafatay nolasha dad iyo duunyo fara-badan.

Meelaha ugu daran ee abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa kamid ah Gobalka City ee Deegaanka Soomaalida, waxaana la sheegay in gaajo iyo haraad ay u dhinteen illaa 25 ruux, oo u badan haween iyo carruur.

Xuseen Gadiid, oo kamid ah Odayaasha Deegaanka ayaa  BBC u sheegay in abaarta ay u raaceen dagaalo ba’an iyo dhac ay u geysanayso qoomiyadda Canfarta, isagoo Dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay lasoo gaaraan gurmad deg-deg ah.