Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Beesha Caalamka ?

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u sheegay in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen, ayna wali taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Farmaajo ku eedeeyay in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga sugayo in illaa caawa warar ka soo yeeraan.

Beesha Caalamka ayaa aad uga walwasan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, waxaana laga sugayaa in saacadaha soo socdo war soo saaraan.