Saraakiil kasoo baxday Ciidanka DFS oo lagu soo dhaweeyay Puntland (VIDEO)

Saraakiil horay uga tirsanaa Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutooyinka Haramcad iyo Goror ayaa lagu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay sheegeen in ay Faquuq la kulmeen.

Xarunta Madaxtooyada waxaa Saraakiisha ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku xigeen kiisa.

Saraakiisha oo la hadlay Madaxda ayaa sheegay in ay wax ku soo barteen Dalka Turkiga horayna Puntland si iskooda uga tageen tiro shana dhamaayeen 140 soo laaba- shadoodiina loola dhaqmay si aan wanaag sanayn balse qaybo ka mid ahaa ay ka soo bexeen xer yihii ay joogeen.

Madaxda dawladda Puntland ayaa Saraakiisha u sheegay in ay ku soo dhowaynayaan Dhulkoodii dawladda Puntland hawlgelin doonto.