Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Musharaxnimo way soo dhamaatay, aan iska dhicino Farmaajo” (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Musharaxnimo ay soo dhamaatay, uuna kasoo fujistay waddooyinka Muqdisho boorarkiisii musharixiinimo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu Farmaajo yahay hoggaamiye kooxeed, xoog doonaya inuu Dalka ku xukumo, isagoo ku baaqay dagaal ka dhan ah.