QoorQoor, Guudlaawe iyo midowga Musharixiinta oo kulan haatan leh

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa hadda waxaa uu shir uga socdaa guriga Madaxweyne Qoorqoor.

Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka.

Labada Maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle ayaa laga sugayaa inay si cad u diidaan muddo kororsiga, kaddib markii warqad laga qoray Madaxtooyada dhowr habeen ka hor ay labadan Maamul uu mid beenisay, midka kalena uu taageeray.