Beelaha Hawiye oo Shir ka dhan ah Farmaajo Muqdisho ku yeelanaya

Beelaha Hawiye ayaa todobaadka soo socda Muqdisho ku yeelanaya Shirweyne looga soo horjeedo muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ka sameystay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qaban-qaabada Shirweynaha oo ay ka qeyb galayaan waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, waxaana la filayaa in Shir laga soo saaro go’aano ka dhan ah muddo kordhinta labada sano ee Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa iyana shirkaas ka sheegi doona waxa ay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kordhinta.

Shirkii xalay dhex maray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la isku afgartay in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga soo digaan qatarta muddo kordhint taasi oo ay ka horyimaadeen beesha caalamka.