Faallo: Fashilka ku dhacay Villa Soomaaliya iyo Jahwareer soo foodsaaray!

Safiirka iyo baratakoolkiisu xataa lama socon Calankan,waxaana loo isticmaalay Photo Shop.

Waxaa la xaqiijiyay in kulankuba uusan ahayn mid waadixa ah oo loogu talagalay Saxaafad ama kulan Diblomaasiyadeed oo heer Dowladeed ah.

Marka ay kulmayaan labada Nin Calanba ma hor oolin ee kadib,ayaa Wariyayaasha SNTV Photo Shop ku hor dhigeen.

Ujeedkoodu waa in ay iskaga mayraan ceebta iyo jabka kaga dhacay Diblomaasiyadii Caalamka.

Farmaajo waxaa dhabarka ujeediyay guud ahaan Beesha caalamka oo IGAD ilaa Qaramada Midoobey.

Jibril Qoobey.