XOG-WARAN: Wax ka ogow Hal Ujeedo oo laga lahaa Wareysiga Farmaajo, Mase laga helay ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bixiyay wareysi dheer oo soconayay muddo ka badan 1 saac, kaas oo uusan ku jirin nuxur badan, marka loo eego waxyaabaha uu ka hadlay oo u badan eedeymaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Farmaajo ayaa diirada saaraya cambaareynta iyo eedeynta Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo sheegay inay lahaayeen fashilka Shirkii Teendhada Afisyooni, iyo inay shuruudo kala duwan hordhigeen shirka.

Maxaa uu ahaa Ujeedka Wareysiga Farmaajo ?

Eedeymaha uu Farmaajo kusoo koobay wareysigiisa ayaa ahaa kuwo aan ku cusbeyn Dadka Soomaaliyeed, maadama horeyto ay uga maqli jireen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cusmaan Dubbe, kaas oo si baal marsan xaqiiqooyinka ugu warami jiray Shirka.

Si kastaba Dadka odorasa Arrimaha Siyaasadda ayaa aaminsan in Wareysigan laga lahaa hal ujeedo oo ah,

  • In Farmaajo ka hordhaco khudbadda Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo berri hortagaya Golaha Wakiillada Puntland si uu Warbixin uga siiyo marxalada Dalka, kulamadii uu uga qeybgalay Muqdisho iyo go’aanka Puntland. Khudbadan ayaana ah mid si weyn ay u sugayaan dad deegaanada Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in Wareysiga Farmaajo uusan buuxin kaalintii looga baahnaa, si looga weeciyo Bulshada khudbadda Madaxweynaha Puntland, maadama uu ahaa mid gudo balaaran oo si rasmi ah u badhiimiyay dhacdooyinkii daaha dabadiisa ka dhacayay, si lamid ah khudbadii Madaxweyne Deni uu ka jeediyay Xarunta Hormarinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC).

Idil Television