DEG-DEG: Saadiq Joon oo dib ugu laabtay Shiirkole, iyo cabsi dagaal

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Jon, ayaa  ka baxay gurigii uu ku sugnaa oo ku yaalay wadada Jaayga ee ku dhow garoonka Aadan Cadde, waxaana uu dib ugu laabtay  Xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho ee beeshiisu degan tahay.

Talaabada uu Gen. Saadaq Joon dib ugu laabtay Xaafadda Shiirkole ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegay in Farmaajo uu amray Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Biixi oo ay isku beel yihiin Farmaajo, inuu weeraro Saadaq Joon.

Xaalada Muqdisho caawa u muuqata habeen kale oo cabsi dagaal ah, waxaana jira in Ciidammo fara-badan oo la safar Musharixiinta ay soo galeen Magaalada, halka sidoo kale xubno kamid Midowga Musharixiinta ay kala dageen degmooyonka Muqdisho.