Safiirka UK oo beenisay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (Akhriso)

Danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa iska diiday war loogu been abuurtay oo baraha bulshada saraakiisha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya lagu baahiyey, kaddib kulan Danjiraha ay la yeelatay Ra’isul Wasaare ku Xigeenka.

Sida Danjiraha ay sheegtay “waxaa Ra’isul Wasaare ku Xigeenka loo sheegay inaysan UK taageeri doonin muddo kordhin. Waxayna madaxda Soomaalida u soo jeedisay in miiska wada hadalka dib loogu laabto”.

Hase yeeshee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa faafiyay sheeko aan meesha ku jirin oo ah “in xoojinta xiriirka labada dal laga wada hadlay.”