Madaxweynihii Dalka Chad Idriss Deby oo la toogtay

Ciidamada wadanka Chad ayaa sheegay in Madaxweyne Idriss Deby uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dagaal ka socda jiida hore.

Ciidamada Chad ayaa la dagaalamaya xoogaga kacdoonka ee weerarka ku qaaday caasimada N’Djamena.

General Mahamat Kaka, oo ah wiilka uu dhalay hogaamiyaha Chad ee dhintay, ayaa loo magacaabay madaxwayne kumeel gaar ah sida uu sheegay afhayeenka ciidanka.

Warkan ayaa soo baxay maalin kadib markii Deby, oo xukunka ku qabsaday kacdoon 1990, uu ku guuleystay markii lixaad, sida ku cad natiijooyinka doorashada ku meelgaarka ah ee la sii daayay Isniinta. Deby wuxuu helay boqolkiiba 79.3 codadkii la dhiibtay doorashadii madaxweynaha ee dhacday Abriil 11.

Madaxweyne Deby ayaa ku guuleystay markiisii ​​lixaad kadib doorashadii dhacday dalkaas dhowaan.