TURKEY iyo QATAR maxaa u talo ah Farmajo kadib ?

W/Q: Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

TURKEY iyo QATAR maxaa u talo ah Farmajo kadib?

Turkey waa dal Soomaalidu abaal weyn u hayso oo u yimi xilli xaalku adag yahay, wax badanna la qabtay. Waxaa dalka kusoo dhoweeyey Madaxweyne Sheikh Sherif iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo labaduba hadda Madaxweynenimo u tartamaya. Iyagaa ku wareejey Dekedda iyo Airpor-ka Mugadishu oo ay gacanta ku hayaan.

Maanta TURKEY waa dalka keli ah oo muhiimka u ah arrimaha Soomaaliya oo ka aamusay baaqii Beesha Caalamka ee kudarsiga sharci-darro lagu diiday, taas oo u muuqatay is-garabtaag qaawan ee Madaxweyne Farmajo.

QATAR awalba siyaasadda Soomaalida luuq-luuq ayey kasoo gashay, waxtar muuqdana Soomaaliya uma lahayn. Miyey dalalkan dani ugu jirtaa inay danahooda dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee waqtiga fog qof ku xiraan oo la dhintaan?

Dalka iyo danta Soomaalidu waa ka weyn tahay qof iyo labo ee ha kadsoomina.