Guddiga Wacyi-gelinta COVID-19 ee Puntland oo baaq u diray Shacabka (Sawirro)

Guddiga wacyigelinta xanuunka COVID-19 ee Dowladda Puntland ayaa maanta kulan is xog-waraysi ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ka soo jeedisey xaaladda caabuqqa COVID-19 ee Gobolada Puntland, sidoo xubnaha guddiga ayaa is xog-waraysi ka yeeshay saamaynta xanuunkaan iyo sida loo dardargelin karo xakamayntiisa.

Iyadoo laga duulayo qorshaha Dawladda ee helidda Warshadaha naqas-ka sameeya wasaaradda Caafimaadka ayaa ku warbixisay in dhawaan magaalooyinka waa weyn ee Puntland la keeni doono Warshadaha dhaliya naqaska ( oxygen).

Guddiga wuxuu dhamaan bulshada Puntland ugu baaqayaa.

-In dhamaan dadka Puntland ku noolaan ay qaataan amarka Dawladda iyo talooyinka bahda caafimaadka ee xakamaynta khatarta covid19.

-In xiliga xagaa baxa, gawaarida dadka Bosaso ka soo qaadaya ay qaadaan ugu badnaan hal-qoys ama dad wada-nool, iyagoo qaadanaya talooyinka bahda caafimaadka.

-Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadka reer Puntland inay qaadataan talaalka covid19 si loo yareeyo saamaynta xanuunkaan.