Jabuuti oo ka jawaabtay eedeymihii DFS ee uu hoggaamiyo Farmaajo

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeymo markii labaad uu shalay u jeediyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Maaliyadda Jabbuuti Ilyaas Dawaale, oo qoraal kooban soo ayaa dhigay bartiisa Twitter-ka sheegay inay aad uga xumaadeen in Wasiir ka tirsan Soomaaliya uu markii labaad eedaymo u jeediyo Jabbuuti, waxaana eedaha DFS uu tilmaamay “Been”.

Idilnews