Midowga Yurub “Lama aqbali karo dhacdooyinka ka socda Muqdisho”

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa walaac ka muujiyay xaalada kacsan iyo dagaalada ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inay yihiin dhacdooyinka ka socda Muqdisho kuwa aan la aqbali karin.

“Anigoo aad uga walaacsan dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho. Danta guud waxay codsaneysaa xakameynta ugu sareysa, ilaalinta hay’adaha ay leeyihiin dhammaan iyo wadahadalka. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ah lala xisaabtami doono.”