Wasiir Beyle “Beesha Caalamka dhaqaalihii way naga jaratay, dalkuna sagxada buu taagan yahay” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa daaha ka qaaday in dhaqaale baahsan ay wajahayso Dowladda waqtigeedu uu dhamaaday ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay bishii August ee sanadkii tagay ee 2020, taas oo sababtay inay martaan khasnadihii Dowladda.

“Lacagihii kabka ee dunida sannadkii hore ayaa nala ka joojiyey, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina dhammaade, hadda waxaan taagannahay sagxadda, waa in Soomaalidu iskutashato oo dalkan yeelato” ayuu yiri Wasiir Beyle