Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay weerarka lagu qaaday guriga Xasan Sheekh

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa canbaareeyay Weerarka la sheegay in lagu qaaday Guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in markii labaad(2) hoygiisa lagu weeraro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday, ay weerar toos ah ku qaadeen hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.

Waa nasiibdaro aad u weyn in iyada oo bil Ramadaan lagu jiro, ay magaalada Muqdisho dhexdeeda isku dagaalayaan ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wax kasta oo maanta dhacaya, waa wixii aan horey uga digay inay dhici doonaan hadii la isku dayo muddo kororsi aan sharci aheyn. Waxaana masuuliyada wax walba oo dhacay, dhacaya ama dhici doono qaadaya madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday ee raba inuu xukunka xoog iyo sharci daro ku fadhiyo.