Akhriso: 5 Qodob oo soo dad-dajisay Is-dhiibida kooxda Farmaajo

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa galabta ku dhawaaqay inay kasoo horjeedaan go’aankii muddo kordhinta loogu sameeyay Dowladda waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo, kaas oo la filayo inuu isna go’aan lamid ah kuwa saaxiibadiis uu goor-dhow ku dhawaaqo.

Shabakadda Idilnews, ayaa ogaatay 5 qodob oo soo dad-dajiyay inuu is dhiibaan Kooxda Farmaajo, kuwaas oo kala ah;

1.In ay xaqiiqsadeen mudo kordhintii in aysan shaqaynayn.

2.In Madaxtooyadii hal irid ufuran tahay inta kalena laga xiray.

3.In lagu heshiiyay oo la dajiyay qorshe ah weerar lug iyo Madaafiic in lagu galo Madaxtooyada habeen danbe.

4. Beesha caalamka oo maalinka beri foog ah kulankii udanbeeyay la yeelan lahayd.

5. Ciidankisii oo qaybna amar diido samaysay qaybna soo jabtay,qaybna ugashay mucaaradka.

Qodobadaas,ayaa soo dadajiyay in ay is dhiibaan oo la yimaadaan qorshe xasarada lagu dajin karo hogaamiye Farmaajo iyo kooxdiisu.

Jibril Qoobey.