Ruusha oo war kasoo saaray xaalada cakiran ee Soomaaliya

Dowladda Ruushka ayaa sheegtey in la socoto xaaladda Soomaaliya isla markaasna ay qorshaynayso in ay taageerto dalka.

“Waxaanu la soconaa dhacdooyinka Soomaaliya, taasi oo ay uga sii dareen fashilka ku yimid qabsoomidda doorashadda guud oo ay ahayd in ay qabsoonto bishii Febraayo.

Maadaama aan xubin joogta ah ka nahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaan qorshaynaynaa in aan taageerno dedaallada caalamiga ah ee Soomaaliya isla markaasna aan siinno Muqdisho taageero balaadhan” -Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka.