Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxaan dhowaan casuumayaa Madaxda Dowlad Gobaleedyada” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska ayaa soo dhaweeyay talaabada Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ugu wareejiyay Howlaha doorashada iyo Amnigooda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u casuumayo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, si loo dhameystiro heshiiska doorashada.

“Xukuumaddu waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl gali doontaa una soo bandhigi doontaa qorsheyaasha doorashooyinka  amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee Qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale, Rooble ayaa sheegay inuu Guddi u saari doono kasoo tala bixinta sidii Ciidanka Dowladda looga saari lahaa Siyaasadda.

“Si loo xalliyo saameynta arrimaha siyaasaddu ku yeesheen Ciidammada Qaranka, waxaan magacaabayaa guddi farsamo oo arrintaas ka soo talo bixiya”