Puntland oo Garoowe u diiday Wafti ka socda Qatar

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka cudur daartay qaabilaada Wafti ka socda oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, kaas oo doonayay inuu yimaado Magaalada Garoowe.

Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa u xaqiijiyay Idilnews, in Madaxtooyadda Puntland oo ka jawaabaysa dalab ka yimid Safaaradda Qatar ee Muqdisho ay ku wargalisay Al-Qahtani in Madaxweyne Deni uu galayo socdaal deg deg ah Dibedda ah, ayna jiraan kulamo badan oo Madaxweynuhu baajiyay.

Sidoo kale, Madaxtooyada Puntland ayaan weli ka jawaabin dalab ah in aalada ZOOM ay ku kulmaan Madaxweyne Deni iyo Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Idil Television