Mahdi Guuleed oo Muqdisho kula kulmay Mutlaq Al-Qahtani (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mahdi M. Gulaid, ayaa kulan kula yeeshay Hotelka Decale ee garoonka diyaaradaha Muqisho Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal, sida qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku sheegay Mahdi M. Gulaid.