Puntland iyo WHO oo ka wada-hadlay codbixiyayaasha doorashooyinka (Sawirro)

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guled Salah, iyo Agaasimaha Hawlgalada Doorashooyinka Mudane Maxbuub Nuur ayaa la shiray saraakiil ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Kulanka Guddiga TPEC iyo WHO ayaa looga hadlay sidii WHO kaalin uga qaadan lahayd ilaalinta badqabka dadwaynaha ee ku aaddan caabuqa Corona ha xilliga diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada.