Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Eheladii iyo saaxiibadii AUN Prof. Gaandi (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay eheladii, qaraabadii iyo Saxiibadii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Xubnahan oo ka kooban qoyskii uu ka tagay Marxuumku iyo dadweyne kala duwan ayaa ka yimid dalka dibadiisa si ay uga qeyb galaan tacsida marxuumka oo taala Magaalada Kismaayo.