Safiirka Mareykanka “Waxaa layga yeeray Washington si aan u gudbiyo dadka khatarta ku ah Doorashooyinka Soomaaliya”

Safiirka Dowladda Maraykanka ku fadhiya Soomaaliya Amp  Donald Yamamoto, ayaa looga yeeray Washington si wax looga waydiiyo xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ku lugta leh in dib loo dhigo doorashooyinka Soomaaliya.

Amp Yamamoto ayaa kulan ay yeesheen Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah ka sheegay in looga yeeray Washington si uu warbixin uga siiyo Maraykanka dadka ku lugta leh in ay dib u dhigaan doorashada oo khatar ku ah amniga Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Doowlada Mareykanka ay ka cabsi ka qabto in doorashada Dib loo dhigo.

“Mareykanka wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka ah ee ku taageerayo ciidanka Xoogga dalka SNA. Talaadahii askari ayaa nooga dhintay gudaha Soomaaliya. Soomaalidu waa in ay wajahdaa AlShabaab oo aysan ku mashuulin meelo kale” ayuu Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ka sheegay shirkii Beesha Caalamka iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu ka caawiyo Soomaaliya kormeerka doorashooyinka.