Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta ku wajahan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ujeedada safarkiisa ayaa ah mid cumro ah, iyadoo inta uu gudashada cumrada ku guda jiro la filayo inuu la kulmo Mas’uuliyiinta sare ee Boqortooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha oo maanta duhurki ka qaadi doonta Muqdisho.