Shirkadda DP World iyo Itoobiya oo gaaray heshiis cusub oo la xariira Dekedda Berbera

Shirkadda DP World ee Dubai ayaa khamiistii sheegtay inay heshiis hordhac ah la saxiixatay wasaaradda gaadiidka ee Itoobiya oo lagu horumarinayo kaabayaasha saadka ee waddamada Bariga Afrika iyada oo la marayo marin ganacsi oo ku xidhan ismaamulka Soomaaliyeed ee Somaliland.

DP World iyo la-hawlgalayaasheedu waxay rajaynayaan inay maal-gashadaan illaa $ 1 bilyan tobanka sano ee soo socota dhismaha bakhaarro iyo Dekedo qalalan.

Heshiiska hordhaca ah waxaa sidoo kale ka mid ah qorshayaal lagu dhisayo shirkad wadaag ah oo saadka.

Wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegay in horumarka marinku uu dabooli doono baahida sii kordheysa ee Itoobiya ee ganacsiga caalamiga ah, taas oo u ogolaaneysa inay sare u qaado dhoofinta.

“Waxaan si adag u aaminsanahay in horumarinta marinka Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah marinnada waaweyn ee ganacsiga iyo saadka ay furi doonto faa’iidooyinka dhaqaale ee ballaaran ee Itoobiya, ayna taageeri doonto qorshayaasheeda horumarineed ee hanka leh,” ayuu yiri Guddoomiyaha Sultan Ahmed bin Sulayem!

Haddaba Mashaariicdaas baaxadaa leh, ee isaga oo aan waxba laga waydiin Farmaajo la hirgalinayo ama qaarkoodba ay socdaanba miyaanay ilhaamo ku ahayn, Ileen waxa uu noo sheegay in dalkan DP World laga saaray Itoobiyana ay saaxiib yihiin oo wixii horre aanay jiri doonin, halkaa waxaa ka cad in barida dhulka sifiican loogu dhuftay.

Jibril Qoobey.