Itoobiya oo shacabkeeda u dirtay Baaq la xariira gantaalka Shiinaha

Itoobiya ayaa shacabkeeda ugu baaqday in ay koofiyado xidhaan, si ay uga badbaadaan finiinka gantaalka dunida kusoo wajahan, haddii uu dalkeeda kusoo dhaco.

Mac’hadka Sayniska iyo Tigloojiyadda hawada sare ee Itoobiya ayaa sheegay in uu la socdo dhaq-dhaqaaqa gantaalka faraha ka baxay ee ‘Long March 5B’.

Mac’hadku waxa shacabka ugu baaqay haddii ay arkaan finiinka iyo qashinka gantaalka in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo socodka lugtaba, iyagoo taxaddar muujinaya.