Madaxweynaha Puntland oo bilaabay Olale uu taageero ugu raadinayo Urur Siyaasadeedka KAAH (Warbixin)

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa wada olale balaaran oo uu ku doonayo in Urur Siyaasadeedka Kaah ee uu hoggaamiyo uu kamid noqdo Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Puntland yeelan doonto.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa lagu wadaa inuu bilaha soo socda qabto Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, Doorashooyinka oo ay ku loolami doonaan 10 Urur siyaasadeed, ayaa Saddexda uga sareysa loo aqoonsan doonaa Xisbi Siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo maalin ka hor ka duulay Puntland, ayaa u socdaalay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda Hay’ado iyo Shirkaddo gaar loo lee yahay oo ay Puntland ka sugaysay hirgalinta mashaariic hormarineed, si loo bilaabo mashaariicdan dabayaaqada bishan May illaa horaanta bisha June.

Deni ayaa Addis Ababa kula kulmay Maareeyaha Shirkadda DP World, kaas oo ay ka wada hadleen fulinta Heshiiskii balaarinta Dekedda Boosaaso. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi kula kulmaya Madaxda hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS, oo gacanta ku heysa Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Garoowe.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid Madaxweyne Deni uu taageero ugu raadinayo xisbi Siyaasadeedka Xukuumadda Puntland ee KAAH, kaas oo la kulmaya loolan adag.

Idilnews