Madaxweyne Deni oo Shirar muhiim ah uga qeybgalay Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo waftigiisu maanta ayay ubadan tahay in ay kasoo anba baxaan Adis,waxayna kusoo wajahan yihiin Nayrobi Kenya.

Intii uu joogay Adis caasimada Midowga Afrika waxuu la kulmay Madax kala duwan oo laga xusi karo..

1.Wasiirka Gaashaandhiga.
2.Wasiirka Arimaha Dibada.
3.Agaasimaha Sirdoonka
4 Talyaha Ciidamada.
5.Wakiilo Midowga Afrika.
6.Ssfiirada Beesha caalamka
7.Taliska Maraykanka ee Africom.
8.Madaxweynaha DDSI oo ay Khadka kuwada kulmeen.

Puntland iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis Milateri oo cad,kaasoo PL u ogolaanaya in ay hesho Tababaro,Qalab iyo Xogo.

Midowga Afrika waxay Puntland ka wada hadleen xaalada Dalka,gaar ahaan Doorashada iyo sidii loola shaqayn lahaa ergayga cusub.

Taliska Africom iyo Puntland waxay kawada hadleen la dagaalanka argagixisada iyo doorka Maraykanka.

Safiirada Caalamka ee Adis ku sugan iyo Puntland intii ay kulmeen waxay kawada hadleen xaalada Somaliya,gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay.

Madaxweynaha DDSI waxuu ku casumay waftiga Pl Caasimada Jigjiga,balse safarkaas waxuu dhici doona Ciida kadib.

Sidoo kale Madaxweyne Deni iyo RW Abiy,ayaa kulan yeelan doona lugta xigta ee Adis uu kusoo mari doono M.Deni.

Isku soo wada duuboo socdaalka Adis ee Waftiga Pl waxuu ahaa mid mira dhalay.

Jibril Qoobey.