XOG-WAR: Gen. Muumin waa muteystay in loo abaal gudo Madaxweyne!!

Muumin waa mutaystay in loo abaal gudo Madaxweyne !!

Talyaha Booliska Mudug Muumin Cabdi Shire waxaa la magacaabay xili amaanka Gobolkaas xasaasiga ah uu dhulka yaalay.

Madaxweyne Deni oo la dardaarmayay magacaabistiisa kadib,isagoo ku sugnaa markaas duleedka Garowe,waxuu ku yiri..

“Gobolka Mudug hadaad amnigiisa iga qabato waa kuu abaal marinayaa Muuminoow Mudug waa Gobol isaga iyo Dadkiisuba Puntland muhiim ay uyihiin” Ayuu ku yiri M Deni.

Muumin shaqo galkiisii caqabado badan,ayuu la kulmay 3-dii bilood ee ugu horaysay meel laga jiro,ayuu sixi waayay Dad badana waa qabqabtay.

Balse kadib cagtuu salaanka la helay xargo badana waa udhaqaaqeen oo godod muhiim ahaa,ayuu udhacay.

Waxuu qabqabtay 3-kooxood oo khatar ku ahaa amniga …

1.Argagixisada
2.Mukhaadaraadka
3.Danbiilayaasha abaabulan.

Hagardaamadu waa garab socotay mar walba oo talaabaduu qaadaba waxaa lagu furayay tushuush iyo dacaayad,balse ma niyad jabayn.

Weerarkii ugu weynaa ee lagu fashilinayo shaqadiisa,waxuu dhacay markii uu gacanta ku dhigay in ku dhow 70-Xubnood argagixisadii dadka ku laynaysay tan iyo 2008-dii Gobolka.

Madaxweyne Deni,ayaa xataa tushuushkaas gaaray,iyadoo lagu yiri Dadkuu naga hor keenayaa ee Ninkan waxba mahayo.

Go’aan qaadasho uu sameeyay Deni,isagoo tixgeliyay Muumin doodiisii,ayaa keentay in Pl baarayaal dibada ka keensato si loo xaqiijiyo shaqada Gobolka ka socotay.

Baarayaashaas waxay kusoo gunaanadeen hawlgalkoodii sadex qodob oo kala ahaa…

1.Dadka lahayo oo ah kuwii saxda ahaa.

2.Mudug shaqada ka socota oo ah mid jihadii saxda ahayd haysa.

3.Muumin oo la abaalmariyo lana aqoonsado dadaalkiisa,daacadnimadiisa iyo Wadaniyadiisa.

Madaxweyne Deni Muumin waa umahadceliyay una fasaxay wax walba oo uu shaqadiisa uga baahnaa,waxaana ay dhashay taasi guulaha maanta loo wada jeedo.

Ugu danbayn Muumin waa in la geeyaa xarun amniga Pl laga ilaaliyo.

Muumin waa uqalmaa Agaasimaha PISA oo Saldhigeeda ugu weyn laga dhigo Gaalkacyo.

Jibril Qoobey.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.