C/rixmaan C/shakuur “Ma heyno taariikh Siyaasadeed oo aan Rooble ku amaano” (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo la hadlayay Boqolaal Shacab Soomaaliyeed ah ayaa ka hadlay marxaladaha dalku marayo iyo guulihii laga gaaray fashilinta damicii waalnaa ee Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay ku guuleysteen Midowga Musharixiinta, Iyo Dowlad Goboleedyada inay Arrimaha Doorashada ka wareejiyaan Farmaajo, uuna hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo aan horey u laheyn taariikh Siyaasadeed, balse hada abuuran kara.