Ciidanka Booliska Puntland oo howlgallo ka wada magaalada Boosaaso (Sawirro)

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada xilli lagu guda jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidanka Booliska ayaa baaris ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka magaalada iyo qaar kamid ah xaafadaha Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo xalay kormeeray Suuqyada magaalada Boosaaso, isagoo bulshada xogwareystay, waxaana uu ku dhiirigaliyay inay la shaqeeyaan Ciidanka si looga guuleysto Argagixisada iyo kooxaha kale ee ku howlan falalka Amni darro.