DF Soomaaliya oo dalbatay in la bedelo Ergayga sare ee M/Africa soo magacaabay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Midowga Africa in la bedelo Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo dhowaan loo magacaabay Ergey sare oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo dublamaasiyadeed.

Wararka ayaa sheegaya in qoraal ay DFS u dirtay Midowga Africa ku tilmaamtay Ergeyga in aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, sidaas darteed uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan lagala tashan magacaabista Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama isla markaana aan loo marin nadaamka diblumaasiyada.

Si kasta ha ahaate Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqasho degdeg ah ku tegey dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Kongo isagoo caasimada dalkaas ee Kinsasha kula kulmay Madaxweynaha wadankaasi oo ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ee sanadkan.