Guddoomiye Sanyare “Gaalkacyo waxaan ka dhigaynaa meel ka caagan Argagixisada”

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa ballanqaaday in Ururka Al-Shabaab ka sifeyn doonaan magaalada Gaalkacyo, ayna ka dhigi doonaan meel ka caagan Argagixisada.

Sidoo kale, Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay inay goobo fagaare ah ku fulin doonaan xukunada lagu riday xubnaha Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Gaalkacyo intii ay ku dhex dhuumanayeen Bulshada, isagoona ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

“Waxaan idiin balan qaadaynaa Gaalkacyo inay noqoto meel ka caagan Ururka Argagixisada ee Al-Shabaab, waxaa goob joog ka ahaan doontaan goobo fagaaraa oo lay ka dhici doonaan xukunada wax kastoo intay ku dhuumaanayeen Bulshada dhexdheeda ka geysteen, mid kastoo ku lug lahaa ficiladii foosha xumaa ee gobalkan ka dhacayna ciqaabteeda u dhiganta waxa uu galay buu mari doonaa, waxaan shacabka ka codsanaynaa in ay sii laba jibaaraan sida ay laamaha amniga Gobolka ula shaqaynayaan”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur,