Museveni oo markii 7-aad loo dhaariyay Madaxweynaha Ugandha (Sawirro)

Yoweri Kaguta Museveni, ayaa markii todobaad loo dhaariyay Madaxweynaha Dalka Ugandha, kaddib Munaasabad weyn oo maanta lagu qabtay magaalada Kampala, ayna ka qeybgaleen in ka badan 4,000 oo qof, oo ay ku jiraan madax ka socota qaaradda Africa.

Museveni ayaa hadii uu dhameysto 5 sanno ee cusub ee loo dhaariyay, waxaa xukunkiisa ay ka dhigi doontaa inuu jiray 40 sanno, isagoona kamid noqonaya Hoggaamiyayaasha ugu mudada dheer Africa.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay ee uu hogaaminayay, Uganda waxay ku talaabsatay horumar la taaban karo oo xagga horumarka bulshada iyo dhaqaalaha ah.

Laakiin hogaamiyaha gaboobay ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay inuu si adag ula macaamilo cid kasta oo la tartameysa.

Dalka Uganda ayaa waxaa ka dhacay mowjad caburin ah oo dhinaca mucaaradka sanadkii la soo dhaafay, iyadoo boqolaal ka mid ah taageerayaasha mucaaradka la xiray halka qaar kale oo badanna la la’yahay.

Ammaanka magaalada Kampala ayaa aad loo sugay iyadoo la geeyay ciidamo aad u hubeysan oo amniga suga caasimada, Kampala.

Idilnews