VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland oo fariin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan sanad-guuradii 78-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii Ururkii xornimo doonka ee SYL, isagoona ugu baaqay inay xoojiyaan doorkooda Dowlad dhiska Soomaaliya.

“Hambalyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed xuska sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.”

“Dhalinyaradu waxay kaalin muuqata kaga jiraan kobaca hormarka iyo dib u dhiska dalkeena iyadoo loo baahan yahay in la xoojiyo doorkooda la xiriira ka qeybgalka dhinacyada kala duwan ee mudnaanta leh.”

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10159287058226878&id=742346877