Shirkadda Etihad Airways oo hakisay duulimaadyadii Israel

Shirkadda diyaaradaha Imaaraatka ee Etihad Airways ayaa Isniinta maanta ah shaacisay in ay si kumeel gaar ah u joojineyso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel halkaasi oo garoonka ugu weyn ee u dhow Tel Aviv lala beegsaday gantaalo laga soo ganay dhanka magaalada Gaza.

Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa sanadkii hore caadiyeeyay xiriirka dublumaasiyadeed ee Israel, waxaana heshiiskaas oo uu Mareykanku garwadeen ka ahaa uu Imaaraatka ka dhigay dalkii saddexaad ee Carbeed ee tallaabadaasi qaada ka dib Masar iyo Urdun.

Baxrayn, Marooko iyo Sudan ayaa iyana xiriir la sameystay Israel.

“Etihad Airways waxa ay si KMG ah u hakineysaa adeegga duulimaadyada ee Tel Aviv taasi oo looga jawaabayo colaadda socota,” ayay shirkadda fadhigeedu yahay magaala Abu Dhabi ku tiri bayaan ay soo saartay.

Khamiistii ayay hay’adda maamusha garoomada Israel waxa ay sheegtay in dhamaan duulimaadyada u socda garoonka Ben Gurion ee u dhow Tel Aviv ay u weecisay garoonka Ramon ee u dhow magaalada koonfureed ee Eilat ka dib gantaalo laga soo tuuray magaalada Gaza.

Etihad Airways ayaa bishii April bilowday in ay asbuucii laba jeer ku tagto garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

VOA