Akhriso: Hirshabelle oo mar kale eedeyn u jeedisay Wasaaradda Maaliyadda DFS

Guddiga Arrimaha Fatahaada ee Maamulka Hirshabelle ayaa ka jawaabay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid is difaacid ah oo aan ka turjumeyn xaqiiqada dhabta. Guddiga ayaa sheegay in 9 bilood ay ka soo wareegatay heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Hirshabelle, haddii mas’uuliyad la iska saari lahaa in lagu fulin karay mashruucan muddo kooban dhibaatadaasna kuma dhacdeen shacabka Hirshabelle.

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in waxa sababay dhihaatada inay tahay dib u dhaca ku yimid mashruucii wax looga qaban lahaa ka hortagga fatahaada iyo howlwadeenada mashruuca oo aan fikir ka heysan deegaanka.