Zambia oo Ciidamo badan u soo diraysa Soomaaliya

In ka badan 100 saraakiil booliis ah oo ka socda Zambia ayaa la filayaa inay yimaadaan caasimada Soomaaliya si ay ugu adeegaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, sida uu xaqiijiyay Diblomaasi sare oo u dhashay Zambia.

Xaflad lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa Safiirka Zambia u fadhiya Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Emmanuel Mwamba iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda, ee guddiga Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye waxay ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU).

Safiirka Zambia, Mwamba wuxuu sheegay in saxiixa isfahamka MoU uu kordhin doono tirada booliska Zambia ee loo qoondeeyay inay u dirto AMISOM, taasoo u dhaxeyndoonta 38 ilaa 160.

Danjire Adeoye ayaa sheegay in Zambia ay sidoo kale ka caawisay dalal badan oo Afrikaan ah howlaha nabadeynta.