Hay’adda PDRC oo soo bandhigtay daraasad ku saabsan shaqo-abuurka Puntland (VIDEO)

Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi-baarista Puntland ee (PDRC), ayaa maanta soo saartay daraasad muddo dheer qaadatay oo ku saabsan xirfad iyo shaqo-abuurka Puntland.

Xog uruurintan ayaa laga sameeyay dhinacyada kalluumeysiga, beeraha, xoolaha iyo fooxa si awood loogu siiyo dadka mulkiilayaasha ah ama daneeyeyaasha inay fursado shaqo-abuur ah u sameeyaan dadka reer Puntland.