Maxaa maanta looga doodi doonaa Shirka Madaxda ee ka socda Muqdisho ?

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo ka soconaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad galay, iyadoo Madaxda ka qeybgalaysa ay doodo adag ka lee yihiin qodobada caqabada ku ah hirgalinta Heshiiskii 17-kii September.

Kulanka shalay ayay Madaxdu diirada ku saareen qaar kamid ah qodobada la isku hayo, sida Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, kaas oo laga muujiyay isku soo dhawaansho.

Wararka ayaa sheegaya inay Madaxdu maanta ka doodi doonto Arrinta Gobalka Gedo oo ah qodobka ugu weyn ee doodihiisu hareeyeen Shirarkii hore, Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaana dood macquul ah u saaran tahay miiska.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka duwan Shirarkii hore ee Madaxda, maadama uu ka maqan yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo oo lagu eedeeyo inuu ahaa fashilayaha Shirarkii Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Idilnews