Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan ku leh Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa waxaa u socdo kulan ay uga hadlayaan arrimaha cakiran ee ka taagan Doorashada xubnaha Somaliland, iyadoo la filayo in Guddoomiye Cabdi Xaashi shir jaraa’id qabto kulanka kaddib.

War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha guddiga matalayay garabka Cabdi Xaashi ee la kulmay Guddiga ka socda garabka Mahdi Guuleed ayaa waxay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka inuu diidan yahay hab qeybsiga dhismaha Guddiga jiheynta doorashada.

Inkastoo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka uu beeniyay eedeynta iyo warqadaba kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad laheyn.

Waxaa muuqata in doodda ugu adag ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka inay tahay arrinta Somaliland, waxaana illaa hadda muuqata in is faham laga gaaray qodobadii kale.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.