UK oo Ciidammo cusub u soo diraysa Soomaaliya

Dowladda UK ayaa u soo direysa Soomaaliya 250 askari oo kamid ah Ciidankeeda gaarka ah. si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab, sida uu shaaciyay Wargeyska Ingiriiska ee Express.

Tallaabadan oo la qaadayo 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda, ayaa noqonaysa hawlgalkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ciidanka cusub ee Ranger UK uga howlgalayaan Soomaaliya.

Waxay ku soo beegmaysaa bilo uun ka dib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah Ciidanka Ingiriiska.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in ciidamadan la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababari doonaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabab.

Dowladda Britain ayaa hadda tababarta ciidamada Soomaaliya ee ka howlgalla degaanada koonfur Galbeed.