Wasiir Maxamed “Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho”

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka kadib kulan maalmo qaatay oo weli ka socda magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay khudbad uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

“Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, xor iyo xalaal ah. Saddexda qodob ee muhiimka ah ee dhameystirka heshiiska dhammaantood waa laga wada hadlay oo mabda ‘ahaan la isku raacay.” ayuu yidhi  Maxamed Cabdirisaaq.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo la hadlay Golaha ammaanka wax yar kahor hadalka wasiir Cabdirisaaq, wuxuu sheegay in ay jiraan walwal laga qabay isku dhacyada 25-ka Abriil oo uu tilmaamay  in ay sababi kareen in dalku ku dhaco fowdo.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaas oo maanta hakad ku jira.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.